Everton ayaa xaqiijisay in tababare Rafael Benitez uu ka tagay kooxda ka dib guuldaradii 2-1 ee Sabtidii ka soo gaartay Norwich City.

Isbaanishka waxa uu shaqada ku jiray kaliya lix bilood iyo badh iyo 22 ciyaarood, laakiin waxa uu ka tagay ka dib qaab ciyaareedkiisa liitay kaas oo arkay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo booskiisa oo ku soo kordhay taageerayaasha.

Guuldaradii sabtidii ka soo gaartay kooxda Norwich ayaa aheyd tii sagaalaad ee Everton 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, iyadoo Toffees ay badisay kaliya hal jeer waqtigaas.

Taageerayaasha Everton ayaa soo bandhigay boorar ay ku dalbanayaan in Benitez shaqada laga ceyriyo intii ay socotay kulankaas, kooxda ayaana hadda ceyrisay tababarihii hore ee Liverpool.

“Kooxda Kubada Cagta Everton waxa ay xaqiijin kartaa in Rafael Benitez uu ka tagayo kooxda koowaad” ayaa lagu yiri bayaan la soo dhigay website-ka kooxda.

Duncan Ferguson iyo Leighton Baines ayaa la filayaa in si ku meel gaar ah loo sii hayo kooxda inta ay raadinayaan tababare joogto ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan