(Photo by Oli Scarff – Pool/Getty Images)

Manchester United weeraryahanka Edinson Cavani ayaa meesha ka saaray ka tagitaanka kooxda ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Waxaa dhawaanahan soo baxayay warar xan ah oo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda la xiriirinayay weeraryahanka waaya-aragnimada leh inuu u dhaqaaqayo Barcelona bishaan, laakiin waxay u muuqataa inaysan taasi dhici doonin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa sideed kulan ka soo muuqday Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana maamulaha ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick uu haatan xaqiijiyay inuu kooxda sii joogi doono ilaa ugu yaraan xagaagan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester United ayaa ciyaari doonta isniinta kulan ka tirsan wareega 3-aad ee FA Cup-ka markaas oo ay la ciyaari doonto kooxda Aston Villa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan