Weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu u wareego Premier League xilli ay xiiseynayaan kooxo badan oo Yurub ah oo ay ku jiraan Manchester United , Manchester City iyo Tottenham Hotspur .

21-sano jirkaan ayaa iska dhigay mid ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay, isagoo dhaliyay 16 gool 20 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, isagoo seddex mar ka badan ciyaaryahan kasta oo ka ciyaara horyaalka Talyaaniga.

Vlahovic, oo ay La Viola ku qiimayso 75 milyan ginni, ayaa lala xiriirinayay labada kooxood ee Manchester iyo Spurs bilihii u dambeeyay iyo sidoo kale kooxaha sida Arsenal , Chelsea , Real Madrid iyo Paris Saint-Germain .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay saxafiga Gianluca Di Marzio kooxaha Premier League ayaa loo gacan galiyay baacsiga ay ku doonayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia, isagoo doorbidaya inuu u dhaqaaqo England haddii uu go’aansado inuu ka tago Fiorentina.

Di Marzio ayaa sidoo kale sheegay in u dhaqaaqista kooxda Arsenal ee Vlahovic ay tahay mid aan suurtogal ahayn maadaama uu weeraryahanku xiiso weyn u qabo inuu ku biiro midkood Man United, Man City ama Spurs.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan