Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.

Wararka qaar oo ay heshay Dalkaan.com ayaa sheegaya in Macallmuu uu ku dhintay qaraxa lala beegsaday.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxaana daad gureynaya gaadiidka gurmadka degd degga ah.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com