Facebook

Advertisement

Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano Gor-Gor ayaa maanta laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay horudhac u ahaayeen wafdiga ra’iisul wasaare Rooble oo halkaas kulamo kula qaadanaya maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacado kadib ciidankaas waxa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan oo ka yimid Garoowe ayaa waxaa garoonka diyaarahada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubno kale.

Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo ee lagu muransan yahay, hase yeeshee ma cadda haddii ay taas wax beddeli doonto maadaama markii hore ay Galmudug ku mowqif aheyd Villa Somalia.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa isku dayaya inuusan qaadan wax go’aano ah, ayada oo aan xal loo helin muranada taagan, wuxuuna wadaa dadaal uu ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka.

Rooble oo wajigabax kala soo laabtay maamulka Puntland markii lagu gacan seeray qodobadii uu ula tegay.

Ilo kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay caasimadda Galmudug loogu talagalay iney sugaan amniga goobaha doorashooyinka, gaar ahaan kuraasta la dhigayo magaalada Dhuusamareeb.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here