Muqdisho (Dalkaan.com) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa go’aansaday inay dib usoo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga falceliyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, waxeyna soo saareen qoraal ay ku saxiixan tahay Jennifer Mykins.

Taliska wuxuu sheegay iney diyaar u yahiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, waxeyna doonayaan iney ka hor tagaan khatar walba oo timaada.

Advertisement

Ciidamadaan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxeyna usoo duuleen dhanka Soomaaliya, bishii lasoo dhaafay ayey aheyd markii ay soo bandhigeen ka jawaabista dhacdooyinka degdega ah oo ay ku qabteen garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, waxeyna aheyd mar u dhaw markii la saaray ciidamadii mareykanka ee joogay Soomaaliya.

Jennifer Mykins oo ah agaasimaha hawlgallada Taliska isku dhafka Geeska Afrika ayaa tiri: “Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanak AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar kasoo baxay madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliyga looga saaray ku dhawaad 1000 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inuusan joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA:

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here