Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Guddiga doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta sii amba qaaday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, waxaana uu guddigu qabtay doorashada saddexda kursi ee kala ah HOP#244, HOP#037 iyo HOP#238.

Kursiga HOP#244 ayaa waxaa ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamuud oo loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 101 cod, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga HOP#037 ayaa waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad oo iyadana loo tanaasulay, waxayna heshay 99 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo loo qaaday.

Kursiga saddexaad ee HOP#238 waxaa isna kusoo baxay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo aan isna gelin tartan, wuxuuna helay 98 cod, halka ay ka aamuseen 3 ergay.

Dhammaan xubnaha soo baxay ee ku guuleystay saddexdan kursi ayaanan gelin wax loolan ah, taas oo doorashada ka dhigtay mid aan xiiso laheyn, maadaama kuraasta loo xiray.

Arrintan ayaa uga sii dareysa cabashada ka taagan doorashada oo ay horey uga biyo diideen musharixiinta mucaaradka oo shaaciyey in la boobayo kuraasta baarlamaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com