Mudo dheer kadib ayuu Miran helay hooyadiis ayna aqbashay sido kalena waxay garwaaqsatay in Miran wiilkeeda yahay balse maxay tareysaa jaceyl hooyonimo kama uusan helin wali waxayna hader u hanqal taageysa kaliya waa gabadhee soo korsatay Azra oo taxanaha soo galeyso dhab ahaantii Dilshaah dabyar masoo wado.

Miran hooyadiis darteed wax walbo ayuu u sameyn karaa haderna waxaa cad inee ku adkaan doontoo siduu ku kala dooran lahaa hooyadiis iyo xaaskiisa Reyan waxaa macquul ah inaad la yaabto arinkaas balse waxaad ogaataa Dilshah iyo Reyan inee isku dhacayaan labo sabab aawged hoos kaga bogo.

Advertisement

Dilshah markee timid guriga cusub oo ay Miran iyo Reyan lasoo dagtay waxay arkee Caziiza oo si dhuumaaleysi ah ula kulmeyso Reyan waxayna u timid inee Miran bad baadiso waayo Caziiza waxaa u hanjabtay Fusun oo tiri waxaan dilayaa Miran ama Hazar midkood.

Sidaa aawged Dilshah iyadoo waxba hubsan ayee u carooneysaa Reyan waxayba u maleysaa in Caziiza iyo Reyan u heshiiyeen iyada Dilshah ah dhinaca kale gabadha cusub marke guriga timaado waxaa macquul ahinee isku dhacaan Reyan kadibna Dilshah gabadheeda ayee la safanee halkaas na dagaal kale waaye.

Labadaas sabab aawged Dilshah waxa laf dhuungasha ku noqon doontaa jaceylka Miran iyo Reyan waliba Dilshaah kaliya ma ahane gabadheeda xitaa marka aan sugno xalqadaha soo socdaan iyo waxa dhaca.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here