Atirishada caanka ah ee la wada jecel yahay Dia Mirza waxay horey ugu dhixi jirtay filim soo saare Sahil Sangha intii u dhaxeesay 2014 ilaa 2019 balse haatan waxay diyaar u tahay nolol kale inay sameesato xidigtan 39-jirka ah kana mid ah jilaayaasha fanka Hindiya mudada dheer kusoo jirtay.

Advertisement

Haatan waxaa la ogaaday in Dia Mirza maanta la aqal galeyso ganacsadaha reer Mumbai ee lagu magacaabo Vaibhav Rekhi oo sanadihii ugu dambeeyay saaxiibo dhow ahaayeen balse maanta waxay rabaan inay noloshooda mideeyaan ayagoo faraanti isku galin doonaan waxaana xafladooda kasoo qayb galayaan marti aad u kooban oo laba dhinac ka kala socdaan.

Xaflad dhaqameed ayay lamaanahan dhiganayaan oo ay kasoo qayb galayaan 50-qofood oo labada qoys kala kala socdaan iyo saaxiibada gaarka ah Dia Mirza leedahay ayadoo isla magaalada Mumbai meherkan ka dhici doono. Warbaahinta u sheegtay Dia Mirza inay aad ugu faraxsan tahay nolosha ay la wadaageyso ganacsade Vaibhav Rekhi oo aad isku fahmeen sanadihii ugu dambeeyay.

Dhinaca shaqada Dia Mirza filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Thappad oo ay la sameesay Taapsee Pannu kaasi oo la daawaday horaantii 2020 sidoo kalena sheekadiisa ama fariintiisa aad looga wada helay, dhawaana waxaa usoo bixi doono filimka Telugu ah Wild Dog oo ay la jileyso Superstar Nagarjuna waana filim xiiso badan oo ay door adag ku leedahay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here