Caadada sirta ah waa balwad ay inta badan isticmaalaan dhalinyarada qaasatan markii dareenkooda uu uu isbadal ku yimaado, waxaana u badan iskaabulada aanan qoysaska laheyn.

Waa xaqiiqo in qofka caadada sirta ah isticmaala uu xiliga uu howshaas ku gudo jiro dareemo raaxo, daganaan, iyo macaansi, sidoo kalana waa hab jiifka kuu sahlayo balse wali ma is weydiisay dhibaatada kaa soo gaari karto caadadaas?

Advertisement

Shabakada Filimside waxay kuusoo gudbineysaa dhibaatooyinka nooc walba leh ee aad kala kulmi kartid caadadaan, si aad u ogaatid halisteeda iyo dhibaatada ay mustaqbalkaaga u leedahay taxadarna uga yeelatid.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo;

1-Caadada sirta ah ama siigeysiga waa dambi, waana arin culimada oo dhan kawada hadleen, qofka yiraahdo dareenka badan ayaan isaga dilayaana ha ogaado in soonka uu yahay habka ugu fudud ee Nabiga scw dhalinyarada aanan guurka awoodin kula dardaarmay.

2-Waxay sababtaa biyo bax dag-dag ah oo ku dhaca wiilal iyo gabdhaba.

Wiilka ay balwada u tahay caadada sirta ah, marka uu xaasle noqdo wuxuu wajahayaa khatarta biyo baxa deg-dega ah, asigoona awood u yeelan karin in shaqada galmada uu mudo ku filan lamaanihiisa kula qaato.

Sidaas si lamid ahna gabdhaha caadada sirta isticmaalo ayagana waxay wajahayaan khatartaas mid lamid ah, oo gariirka galmada ayay horay ka dareemaan taasoona dhibaato ku noqoneyso ayaga.

3-Qofkii joogteeyo caadada sirta ah wuxuu waayaa macaanka dhabta ah ee galmada xalaasha, waana arin xaqiiqo ah, waayo wuxuu u bartay caadada sirta ah sidaas owgeed galmada xalaasha uguma raaxeysan karo si dabiici ah.

Halistaan ayaana waxay dhibaato ku tahay dadka caadada sirta balwad u tahay joogtana u isticmaalo.

Hadii caadada sirta aad balwad ka dhigato ogoow hadhow markaad xaasle noqoto ama aad xaasba noqotid kuma raaxeysa kartid galmada xalaasha ah sida aad ugu raaxeysatid caadada sirta ah.

4-Dadka isticmaala caadada sirta ah waa kala yihiin waxaa jira dad joogto ay u tahay, dadkaas waxay halis ugu jiraan Kansarka Prostata, gaar ahaan dhalinyarada, balse dadka da’da ah dhibaato ceynkaas ah uma keento.

La soco qeybta 2aad…

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here