Muqdisho (Dalkaan.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh, kadib markii askar fara badan lagu soo daadiyey waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa ujeedka ciidamadan milatarga ah loogu soo daadiyey gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo lagu arkay meelo badan oo ay ka mid tahay wadada dheer ee Makka Al-Mukarrama.

Sida ay sheegayaan wararka qaar dhaq-dhaqaaqa ciidamadan ayaa waxaa ka dambeeya arrin siyaasadeed, gaar ahaan xaaladaha soo kordhay, waxaana maalmihii u dambeeyey la dareemayey dagaal hoose oo u dhexeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo isku hayey arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddiga xallinta khilaafaadka oo uu Rooble kala diray.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyaguna waxa ay sheegayaan madaxweynaha uu kusii jeedo xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, isla-markaana loogu tala-galay ciidamada lasoo dhigay wadooyinka inay sugayaan amnigiisa, jidadkana ay xiraan.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee deggan magaalada  Muqdisho ayaa aad u hadal haya dhaq-dhaqaaq ciidan ee ay maanta dareemeen, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirro laga soo qaaday ciidamadaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ay leeyihiin kulankooda todobadlaha ahaa, kaas oo xalay lagu wargeliyey xubnaha golaha inay si buuxda usoo xaadiraan shirkan oo la sheegay in go’aanno laga soo saari doono.

Si kastaba, lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, waxaana haatan Soomaaliya ay ku jirtaa xaalad adag oo kala guur ah, isla-markaana ka dhalatay muranka doorashooyinka.





Source: dalkaan.com