Jack Harrison ayaa sedaxlay uu dhaliyay waxa ay Leeds siisay 3-dhibcood oo qaali ah oo ay ku dagaalanto heerka labaad,ka dib markii ay 3-2 ku garaacday West Ham oo shan gool ku dhalisay garoonka London Stadium.

Ciyaaryahan Harrison ayaa daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta laakiin goolkiisa ayaa kansalay kadib markii uu madax ku dhaliyay xiddiga Jarrod Bowen daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta

Kooxda Marcelo Bielsa ayaa dib u soo laabatay hogaanka seddex daqiiqo ka dib markii Harrison uu kubad ku garaacay meel dhow islamarkaana gool isku bedeshay daqiiqadii 37aad.

Kooxda martida loo ahaa ayaa barbaro gashay ka dib markii ay dhexda u gashay Pablo Fornals oo si xariif ah ugu orday gudaha geeska markay ciyaartu maraysay 52 daqiiqo

Laakiin Harrison ayaa goolka guusha u xaqiijiyay Leeds daqiiqadii 60-aad markii uu kubad ka soo jabiyay daafaca West Ham islamarkaana uu kubad kor u dhaafiyay Lukasz Fabianski.

Tawabaraha West Ham David Moyes ayaa niyad jabay ka dib seeriga. Wuxuu yiri: “Marka aad la ciyaareyso Leeds waxaad garaneysaa xoojinta aad u baahan tahay inaad ku ciyaarto.

“Waxaan samaynay khaladaad maanta, ma ahayn khalad qof kale laakiin waxaa jiray sababo kale, sidoo kale.

“Ciyaartoyda si fiican ayay u soo bandhigayeen laakiin maanta waxaan ahayn kuwa gaagaaban oo aan si fiican u ciyaarin”.

Halka Bielsa uu aad ugu farxay bandhigga dhinaciisa. Waxa uu yiri: “Way fiicneyd in ay nagu soo biirto, laakiin xadku aad buu noogu dhowaa.

“Guul ayay u tahay ciyaartoyda sababtoo ah dadaalka ay sameeyeen, rabitaanka guusha wuxuu ahaa mid aad iyo aad u weyn”.

Xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyey cayaarta:

Leeds ayaa badisay 15 kulan oo ay wajahday West Ham Premier League, waana in ka badan inta ay ka badisay koox kasta oo kale taariikhda tartanka.

Ma jirto koox ka dhalisay goolal ka badan koornooyinka tan iyo bilowgii 2020 Premier League marka loo eego West Ham .

Leeds ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee taariikhda Premier League gacanta u galisay sideed dhalinyaro ah kulankoodii ugu horeeyay hal xilli ciyaareed.

Harrison waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Leeds United ah ee sedexley  ka dhaliya West Ham tan iyo Russell Wainscoat bishii Abriil 1927.

Bowen waxa uu si toos ah ugu lug lahaa 13 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, in ka badan intii uu xilli ciyaareedkii hore iska diiwaan geliyay tartanka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan