Edmonton (Dalkaan.com) – Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac loo geystay dhalinyaro Soomaali ah oo ka dhacay dalka Canada.

Weerarkan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Advertisement

Booliiska Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahan toogashada loo geystay muwaadiniintaasi Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xaashi, kaas oo ahaa 25, halka lagu dhaawacay wiil kale oo Soomaali ah oo isbitaalka la dhigay.

Illaa hadda lama oga kooxda rasaasta ku furtay dhalinyaradaasi, kuwaas oo goobta ka baxsaday, balse Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa Canada kuu sii kordhayey is rasaaseyn la xiriirta aargudasho, balse weli ma cadda weerarkan cida fulisay & sababta ka dambeeya.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here