Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Isbitaalka Xoogga waxaa maanta si wadajir ah loogu aasay sideed dhallinyaro ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Gelato Divino, oo ah goob ay bulshada isugu timaado oo ku talla wadada garoonka Aadan cadde.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, saameyn ballaaran ayuuna geystay maadaama ay waxyeello kasoo gaartay dad intaas ka badan.

Aaska dhalinyaradaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin ka tirsan dowladda, dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ehelladda dhalinyarada sida wadajirka ah loo aasayay.

Qaraxaan ayaa kusoo aaday xilli xaalado cabsi leh ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka oo aan wali la isku waafaqin, waxaana jirta in dadku ka cabsi qabaan iney khalalaaso dhaliso.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Muqdisho ku shiray dhawr maalmood, waxeyna qaadaceen oo ay ku baaqeen in la badalo guddiyadii doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, mana jirto wax la isla fahmay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii dhalinyarada geeriyootay mid ka mid ah oo la shaqeynayay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegay inuu shalay uun dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku maqnaa.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here