Mass Maharaja Ravi Teja ayaa maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 53-aad madaama uu dhashay 26-kii Janaayo sanadii 1968 waana Superstar weyn oo fanka Telugu gaar ahaan Tollywood heer sare ka gaaray sidoo kalena filimkiisii ugu dambeeyay Krack wuxuu noqday Blockbuster oo tiyaatarada la saaray 9-kii bishan Janaayo.

Advertisement

Hadaba Ravi Teja maanta wuxuu siweyn kaga farxiyay taageerayaashiisa madaama uu soo bandhigay goos goos aad u kooban (Teaser) oo ku saabsan filimkiisa xiga ee sida weyn loo wada sugaayo laguna magacaabo Khiladi.

Filimka Khiladi waxaa Director ka ah Ramesh Varma waxaana laga soo diyaariyay muuqaal kooban oo Ravi Teja ku xarakeenayo haatana hadal heynta mashruucan sare u qaaday qorshahana wuxuu yahay xagaaga nagu soo fool leh in filimkan la daawado gaar ahaan bilaha June ama July.

Arinka kale ee xiisaha badan ayaa ah in Ravi Teja filimka Khiladi labo door ama labo waji ku matali doono waxaana maal galineyso shirkada PEN Studios sidoo kalena waxaa kalsooni balaaran lagu qabaa sidii lagu yaqiinay Ravi Teja in mashruucan in badan ku xarakeyn doono madaama waqti wacan bartanka kaga jiro

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here