Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdook.

Ra’iisul wasaare Xamdook waxa uu xubin sare ka yahay urur goboleedka IGAD oo ay ku wada jiraan Soomaaliya iyo Kenya oo haatan wajaha khilaaf marba marka ka dambeysa ka sii daraya oo dublumaasiyadeed.

Lama soo bandhigin nooca loo dhigay dacwada ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitterkeeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti.

“Iyada oo laga jawaabayo warqad ka dhan ah Kenya oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay H.E. Abdalla Hamdok, ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan iyo guddoomiyaha golaha IGAD ee madaxda dowladaha iyo dowlad goboleedyada, IGAD waxay shir madaxeed arrintaas ku saabsan 20-ka bishan ku qaba doontaa dalka Jabuuti” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar ku tegay Nairobi, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Isniinta berri ah ay kulmi doonaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here