Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com)-Wasiir warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo hadda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee IGAD ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.

Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii Jabuuti ee IGAD in loo diro xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Jabhad laga aas-aasayo xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa guddigaas ku eedeeyey in aysan dhexdhaxad heyn oo ay qaateen warbixin hal dhinac ah, isla markaana ay u muuqato inay la safteen kenya.

Hoos ka Daawo

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=153501993082151&id=468010099926454

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here