Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar cadaadis ku ah musharaxiinta mucaraadka kusoo rogtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa xayiraad kusoo rogay ineysan garoonka gudaha u gali karin dadweynaha soo dhaweynta u tagaya garoonka, waxaana sidoo kale laga mamnuucay kooxaha Fanka iyo Barbaarta Gaashaaman.

Amarka maanta kasoo baxay dowladda, ayaa waxaa lagu fuliyay musharax madaxweyne Cabdi Xabiib Yaasiin oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee la kulma amarkaan, kaas oo dhigaya in dadka oo dhami laga mamnuucay iney gudaha u galaan garoonka.

Musharax Cabdi Xabiib Yaasiin ayaan loo ogolaan in gudaha garoonka lagu soo dhaweeyo, taas badalkeeda dadka oo dhami waxey ku sugeen banaanka garoonka, wuxuuna baaq u diray madaxda dowladda kadib dhacdada.

“Waan ogsoonahay iney jallaafooyin jireen, sidoo kalana la diiday inaad gudaha usoo gashaan garoonka si aad iisoo dhaweysaan, waan ka xumahay iney taasi idinku dhacdo, balse dadka masuulka ka ah arrintaan wakhtigeeda ayey uga jawaabi doonaan,” ayuu yiri Cabdi Xabiib Yaasiin.

Xog ay heshay Dalkaan.com ayaa sheegeysa in amarkan loo soo rogay in laga hortago dadweynaha badan ee taageerada siyaasadeed gudaha garoonka ugu muujiyo musharaxiinta mucaaradka.

Amarkan ayaa sida aan xogta ku helnay saameyn doonin madaxda dowladda federaalka, gaar ahaa madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka baarlamanka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here