Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa hadda lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xiray Xarunta Dambibaarista CID ee KM4.

Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeertay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimadda Online ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xiray arrimo la xiriira kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xarigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo u rabay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xiro musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

Xariga loo geystay Suldaanka ayaa kusoo aadayo xilli dib loo bilaabay doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana Muqdisho ka socdo loolan loogu jiro kuraasta Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Wixii faahfaahin ah ee soo kordha halkan ayaan idinku soo gudbineynaa.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com