Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo ka duwan oo ka mid ah caasimada, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi & khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Waa qaraxii labaad ee lala eeganayo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo todobaadyo ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee magaalada Muqdisho.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here