Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal goobta ka dhow ayaa Dalkaan.com u xaqiijiyey in qaraxa lala beegsaday  Gelato Divino, oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal, oo u dhow garoonka Aadan cadde.

Xog horudhac ah oo ay heshay Dalkaan.com ayaa sheegeysa in qaraxa loo maleynayo inuu fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, inkasta oo weli aysan caddeyn tirada rasmiga ah.

Faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here