Facebook

Advertisement

Paris (Dalkaan.com) – Prof. Maxamed Cabdi Gandhi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ahaana musharax madaxweyne ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Prof. Gandhi ayaa lagu warramayaa inuu maalmihii tegay halkaas ku xanuusanaa, kuna geeriyooday isbitaal ku yaalla, hase yeeshee weli wax faah-faahin ah lagama bixin xanuunka hayey.

Prof. Gandhi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda isirka Soomaalida, wuxuuna haystay laba shahaado oo PhD ah.

Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here