Facebook

Advertisement

Nairobi (Dalkaan.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Dalkaan.com.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu Soomaaliya madaxweyne ka noqday 26-kii Janaayo 1991-kii, markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna xilkaas si rasmi ah u hayey illaa 3-dii Janaayo ee 1997-kii, inkasta oo muddadaas ay dalka hareeyeen dagaalo sokeeyey, oo aanu maamulkiisa shaqeyn.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1999-kii ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gooblka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir. 

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here