Facebook

Advertisement

Nairobi (Dalkaan.com) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kulan kula leh madaxtooyada madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo shalay booqasho ku tagay caasimada dalkaas ee Nairobi, kadib marti-qaad uu ka helay madaxweyne Kenyatta.

Kulanka u socda labada dhinac ayaa looga hadlayaa danaha labada dhinac, gaar ahaan ganacsiga iyo arrimaha amniga, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyey idaacada BBC-da.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay in safarka Biixi uu wax xiriir ah la laheyn xiriirka sii xumaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Nairobi, islamarkaana khilaafka Muqdisho iyo Nairobi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn Somaliland.

Waxa uu sheegay in kulanka labada mas’uul kadib ay labada dhinac wada gaari doonaan heshiis uusan si cad u faah-faahin, balse uu sheegay inuu la xiriiro arrimo salka ku haya danaha labada dhinac.

Faratoon ayaa xusay in wada-hadaladaasi aysan qeyb ka aheyn arrimaha Qaadka oo la ogyahay inay dowladda federaalka joojisay, isagona hoosta ka xariiqay in qaadka Kenya uu markiisa horeba si caadi ah u tagi jiray deegaanada Somaliland.

Kulanka Biixi iyo Kenyatta ayaa imanaya xili ay cirka isku sii shareertay xiisada Kenya iyo Soomaaliya, iyada oo dhawaan xukuumadda Muqdisho ay ku eedaysay inay Nairobi ku hayso faro-gelin gudaha ah, isla markaana ay cadaadis saareyso qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here