Rajiv Kapoor waxuu kasoo jeeda qoyska Kapoor waxaana dhalay halyeeygii hore Bollywoodka Raj Kapoor waxuuna la dhashtay Rishi Kapoor iyo Randhir Kapoor waxuuna ahaa wiilasha Raj Kapoor midka ugu yar maanta ayuu ku geeeiyooday dalka India magaalada Mumbai.

Rajiv ayaa wadno xanuun kusoo booday xili uu gurigiisa iska joogay markii isbitaalka loola cararayna kahor intaan la daweynin ayeeba nafta ka baxday waxaana geeridiisa barta Instagram-ka ku shaacisay dumaashidiis Neetu Kapoor oo ah xaaska rug cadaa Rishi Kapoor kaaso sanadkii hore geeriyooday.

Advertisement

Raggii reer Kapoor waxyarba kasoo haray markaan sida muuqata hadaba jilaagan 58-jirka ahaa waxuu Bollywood kusoo biiray 1983 filimadiisa ugu caansana waxaa kamid ah Ram Teri Ganga Maili oo la daawaday 1985 waxaana usameeyay aabihiis Raj Kapoor oo auaa filimkiisa udambeyay agaasime ahaan.

Shaqsiyaad badan oo Bollywood katirsan ayaa baraha bulshada kaga tacsiyoodeen geerida jilaagan waxaana kamid ah Neetu Kapoor, Sanjay Dutt, Sunny Deol,Lata Mangeshkae iyo kuwa kale oo badan lasoco wxii war ah oo kasoo kordha tacsida utaalo reer Raj Kapoor maanta maadama halyeey kale uu katagay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here