Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com)-Waxaa hadda la soo gaba-gabeeyey shirkii Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbaahinta u akhriyey lix qodob ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka ah.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah in xukuumaddu ay raali gelin buuxda ka bixisay wixii dhacay 19-kii bishan Febraayo, isla markaana guddi ka kala socda laba dhinac loo saaray baaritaanka dhibkii dhacay.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in dib loo dhigo banaanbaxii ay musharaxiintu iclaamiyeen maalinta Jimcaha ah ee berri.

Hoos ka Daawo khudbadaha oo toos ah

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here