Filimka Master ee uu hogaamiye ka yahay Superstar-ka reer Tamil Thalapathy Vijay ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in la daawan doono maalinta berita ah oo ay taariikhda ku beegantahay 29-Janaayo waliba qaab Online ah.

Mashruucan waxaa kaloo door weyn kuleh Vijay Sethupathi waxaana agaasime ka ah Lokesh Kanagraj halka uu qarash gareeye ka yahay Xavier Britto waana filim dagaal iyo qiyaano isku dhex jirto ah oo labo isbuuc kahor tiyaatarada hindiya la saaray.

Advertisement

Master mudo labo todobaad ah ayuu tiyaatarada gudaha India saarnaa waxuuna sameeay ganacsi baaxad weyn isagoo waliba la filaayo inuu noqdo filim maqaam weyn ka gaaro dhanka ganacsi ahaan balse caqabad ayaa jirto oo loo baahan yahay in xal loo helo.

Marka hore kooxda Master waxay heshiis la gaareen shabakada Amazon Prime Video oo beri qaab Online ah hawada ugu soo fasaxaayo mashruucan heshiiskana marhore ayee la gaareen waana kahor tiyaatarada inta aan la saarin balse sheekada wey isbedeshay.

Waayo Filimka labo isbuuc uu masraxa saarnaa ganacsi weyn ayuu sameeyay haderna kooxda tiyaatarada iyo cajaladaha waxay ku mur mayaan in filimkaan Online aanan loo daawanin beri ugu yaraana dib loo dhigo maadama ganacsi fiican uu sameynaayo sheekada halkaas ayee mareysaa wixii kasoo kordha aan aragno.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here