Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Hargeysa (Dalkaan.com) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaanadii weyneed Khadra Daahir Cige oo muddooyinkaan ku xanuunsaneed Hargeysa.

Qaar ka mid ah ehellada Marxuum Khadra Daahir oo ku sugan Hargeysa ayaa Dalkaan.com u xaqiijiyey geerideeda.

Waxay ku geeriyootay Isbitaal mudooyinkii dambe lagula tacaalaayey xaaladeeda caafimaad oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Khadra Daahir Cige ayaa ka mid aheyd fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed, waxayna aad fanka uga dhex muuqatay beri-samaadkii, inkastoo waayihii dambe ay ka fariisatay.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com