Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa shaaciyey in dib loo dhigay doorashada afar kursi oo guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi uu galabta shaaciyey in berri lagu qabanayo Muqdisho.

Afhayeenka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Axada 19-ka December la qabanayo doorashada afartaas kursi, inkastoo uusan shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo doorashada.

“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas. Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kuraastaas ayaa waxa horay ugu fadhiyey xildhibaanada kala ah:

1 – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan (HOP262)
2 – Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale (HOP229)
3 – Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar (HOP254)
4 – Iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed (HOP255).

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli sii socota, ayada oo qaadaceen Midowga Musharaxiinta, oo ku tilmaamay inay tahay mid ku dhisan boob, waxayna dalbadeen in la hakiyo doorashada, si loo saxo qaladaadka ka jirra, balse illaa hadda ma jirto cid dheg jalaq u siisay.




Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com