Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay qaraarkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee la xiriiray xaaladda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodob ka mid ah qodobada kasoo baxaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, balse ay diidan yihiin laba qodob.

Dubbe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay sidoo kale diidan tahay qodobka la xiriira in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dubbe ayaa sheegay in labadaas qodob ay yihiin kuwa ka hor-imanaya madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ka dambeeyeen dalalka Kenya iyo Jabuuti. 

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah 

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here