Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socda agagaarka isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho, kaasi oo billowday daqiiqado ka hor.

Dadka deegaanka, oo lasoo xiriiriyey Dalkaan.com, ayaa sheegay inay maqlayaan rasaas fudud iyo mid culus oo ay isku adeegsanayaan laba koox oo halkaas ku dagaalamaya.

Illaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo labada koox ee dagaalamaya. Waxaan sidoo kale la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ku dhex-dagaala ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo ay suurta-gal tahay in dagaalkan ay dhinacyo kale ku lug leeyihiin.

Naga filo faah-faahin dhowaan, insha Allah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here