Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) –  Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal, wuxuuna shaaciyey in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo Cod ah muddo laba sano gudahood ah, taasi oo u muuqata muddo kordhin loo sameeyey hay’adaha dowladda.

Sharciga uu soo saaray Guddoonka baarlamaanka ayaa wuxuu ka kooban yahay  illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada.

Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada .

Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday  qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah mid toos ah iyo mid qarsoodi ah.

Qodobka shanaad ee sharcigan ayaa waxaa guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka lagu siiyey inay doorasho ku qabtaan laba sano gudahood, taasi oo macnaheedu yahay in muddo kordhin ay helayaan hay’adaha dowladda ee hadda jira.

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

Sharcigaan cusub ee uu Maanta soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midkii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa dib u dhaca ku keenay kadib markii taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee gobolka Banaadir uu diiday in maanta uu furmo, inkastoo markii dambe xilka laga qaaday.

Halkaan hoose ka akhriso sharciga oo dhameystiran

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here