Facebook

Advertisement

Garoowe (Dalkaan.com) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi, kadib eedeymo loo soo jeediyey.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilad aka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid eeda loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.

Intaasi kadib ayaa la qaaday cod gacan taag ah, waxaana u codeysay in kalsoonida lagala noqdo xildhibaanadaasi illaa 35 mudane, saddex xildhibaan ayaa diida, halka mid kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhowaaaqay natiijada guddoonka golaha wakiilada.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo si weyn uga horjeeday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kala ah: Xil.Saleebaan Faarax, Xil.Maxamuud Maxamed Barre, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xil.Cabdi Jamaal Cismaan, Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato ,Xil.General Baduugaaye iyo Xil.Muuse Jajabsay.

Arrintan ayaa soo socotay todobaadyadii u dambeysay, waxaana ka dhashay buuq iyo fowdo hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland oo lagu kala tegay.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here