Hrithik Roshan ayaa usoo hampalyeeyay Deepika Padukone dhalashadeeda maanta: s”Hrithik Roshan ayaa bartiisa -ka soo dhigay isagoo la wadaagaya Farxada dhalashada ee Deepika Padukone.

Advertisement

Aktarka ayaa urajeeyay cimri dheer atariishada..Tweetkiisa: Wuxuu kusoo qoray, ‘Dhalasho Wacan dear deepikapadukone! Farxad kunoolaw aduunka Hambalyada ugu fiican,iga gudoon had iyo jeer. ’ Hrithik iyo Deepika Padukone ayaa cinwaannada wargeysyada lawareegay tan iyo markii ay sanadkii hore ka wada qeyb galeen xaflad.

Sawir laga soo qaaday xaflada ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada halkaas oo lagu arkay atirishada oo cuneysa xoogaa keeg ah taasoo ay ka cuneysay gacmaha jilaaga

Deepika ayaa sidoo kale amaan ugu qubeysay Hrithik filimkiisii ‘War’ Taageerayaasha ayaa si xiiso leh u sugaya inay wada arkaan labada jilaa oo shaashada wada saaran.

dhanka shaqada, Hrithik waxaa ugu dambeysay filim mashruuciisii‘War’ oo ay lajileen Tiger Shroff iyo Vaani Kapoor. In kasta oo ay jiraan warbixino kala duwan oo ka rasmi aheyn kuwaasoo sheegaya Hirithik inuu qarinayo mashaariic uu saxiixay, haddana ma jirto xaqiijin rasmi ah

Dhinaca kale Deepika waxay sugeysaa soo bixida filimka Kabir Khan ee ‘83’ oo ay la jileyso Ranveer Singh doorka hogaamiyaha. Filimkan waxaa sidoo kale jilaya Pankaj Tripathi, Boman Irani, Saqib Saleem, Tahir Raj Bhasin iyo kuwa kale. Marka laga reebo tan, waxay sidoo kale leedahay mashruuca agaasime Shakun Batra oo aan cinwaankiisa wali lashaacin

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here