Haddii uu jiro nin shaqeeya maalin kasta oo noloshiisa ka mid ah, waa Akshay Kumar. Superstar-ka wuxuu dhageysanayaa dalabyada waalida ah ee soo gaaraya ma ahan oo kaliya 2021 laakiin sidoo kale 2022.

Advertisement

sanadkaan, wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo mushaarkiisa jilitaanka sababo la xiriira dalab xad dhaaf ah oo soogaaraya xafiiska AKKI.

“Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ee xayiraada convid19, Akshay Kumar wuxuu si tartiib tartiib ah kor ugu qaadayay mushaarkiisa 99 crores ilaa 108 crores ugu dambeyntiina wuxuu gaarsiiyay 117 crores filimadii uu dhawaan saxiixay.

Soo saare kastaa wuxuu rabaa inuu Akshay la socdo, isagoo tixgelinaya qatartiisa yar ee filmka aan qasaaraha kula kulmeen, miisaaniyad yar, iyo qaabka soo laabashada ah ee la hubo, taasoo horseedaysa dalab xad dhaaf ah oo soogaara Khilaadi.

Akshay sidoo kale wuxuu raacay qaaciddada dhaqaalaha ee baahida sare, iyo sicirka hawada kujira, maadaama filim walba oo la soo bandhigo uu la imaanayo guul, wuxuu sare u qaaday mushaarkiisa waliba si waali ah.

Filimada la doonayo in la sii daayo 2022, Akshay wuxuu kuqaada doonaa 135 crores halkii filim ” wow”

Miisaaniyadda waxsoosaarka ee filimada Akshay Kumar badankood waxee naqan doonaan Rs. 35 illaa 45 crores, marka lagu daro 15 crores dheeraad ah oo loogu talagalay daabacaadda iyo xayeysiinta filmka, qaadashada wadarta guud waxee naqaneesaa Rs. 50 ilaa 60 crores miisaaniyada filmka.

Akshey ayaa yiri” Aniga oo tixgelinayna tirada jilaayaasha filmka kala qeyb qaadanaya, miisaaniyada guud ee filimadiisa waxay noqon doontaa inta udhaxeysa 185 ilaa 195 crores. Waa hadii laraaciyo mushaarka Akki iyo lacagta lasiinayo shaqaalaha kale

Filimada laga sugayo Akshay waxaa kamid ah Sooryavanshi, Atrangi Re, Prithviraj, Ram Setu, Mission Lion, Raksha Bandhan, iyo kuwa kaloo badan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here