Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Guddigii ay xukuumadda xil-garsiinta u saartay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun ayaa galka Baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka, sida ay sheegtay dowladda federaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan.

Cali oo sidoo kale ka mid ah ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Isagoo hadalkiisa sii wato wuxuu sheegay in dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo, islamarkaana ka maamul ahaan ay daba socon doonaan ila uu cadaalad ka helo.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale aya sheegay in hawsha ay meel wanaagsan gaartay.

Ugu dambeyntii Wasiirka wuxuu sheegay in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa yimid maalin kadib markii ay beesha marxuumka ku eedeysay dowladda in kiiska meel la isaga tuuray, islamarkaana lasii daayey qaar ka mid ah dadkii ku eedeysnaa.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here