Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargaliyay horumarka uu sameeyay Reece James ee ka soo kabsashada dhaawac muruqa ah.

Daafaca midig ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu jiray kulankii ugu dambeeyay ee 2021 ee ay la ciyaareen Brighton & Hove Albion, saadaasha ayaa aheyd inuu garoomada ka maqnaanayo ilaa sideed todobaad.

xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa ku soo laaban karo si ka dhakhso badan sidii markii hore la filayay.

Sida laga soo xigtay The Athletic , 22-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto tababarka labada toddobaad ee soo socda, taasoo suuragal ka dhigaysa inuu ka soo muuqdo Koobka Kooxaha Adduunka.

Chelsea ayaa ciyaari doonta kulankeeda semi-finalka 9-ka bisha Febraayo, kulankaas oo laga yaabo inuu si dhaqso ah u yimaado James iyadoo Chelsea aysan dooneyn inay wax halis ah gasho.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan