Photo/Getty Images)

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay jug weyn soo gaartay kadib markii lasoo wariyay in Ben Chilwell uu u baahan doono qaliin dhanka jilibka ah.

Daafaca garabka bidix, oo ku jiray qaab ciyaareedkiisa ugu fiicnaa ayaa dhaawac ka soo gaadhay ACL intii lagu jiray kulankii champions League ee Juventus 23kii November.

Qiimayn horudhac ah ka dib, kooxda caafimaadka ee Chelsea waxay go’aansadeen inay sugaan lix toddobaad si ay u ogaadaan in arrinta lagu xallin karo qaliin la’aan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay football.london , xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa haatan loo sheegay inuu soo wajahay muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaanayo.

Warbixintu ayaa intaasi ku dareysa in qiimayn labaad ay dhacday Isniintii, gabagabadana waxay ahayd in 25-jirkan looga baahan yahay in qaliin lagu sameeyo.

arintaasi ayaa meesha ka saareysa Chilwell inta ka dhiman xilli ciyaareedka, taasoo ku qasbeysa madaxa tababaraha Chelsea Thomas Tuchel inuu raadiyo beddelka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Janaayo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan