Liverpool ayaa 9 dhibcood ka dhigtay farqiga dhibcaha u dhexeeya hogaamiyayaasha Premier League ee Manchester City kadib markii ay 3-1 ku garaaceen Crystal Palace.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa 7-0 ku badisay kulankii xiligan oo kale ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana goolashada ka caawiyay Virgil van Dijk iyo Alex Oxlade-Chamberlain qeybtii hore ee ciyaarta kulan ka dhacay Selhurst Park.
Crystal Palace ayaa hal gool ka heshay Odsonne Edouard wax yar ka dib qeybta nasashada, laakiin Fabinho ayaa seddexda dhibcood u xaqiijiyay kooxdiisa isagoo rigoore u dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.
Guusha ayaa keentay in Liverpool ay soo yareyso hogaanka City ka dib markii ay sabtidii bar-baro la gashay Southampton, halka Reds ay weli kulan baaqi u tahay.
Nick Pope ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah halka Alexandre Lacazette uu qasaariyay goolkii furitaanka ee Arsenal oo barbaro 0-0 ah la gashay kooxda Burnley kulan ka dhacay Emirates Stadium.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore
Source: dalkaan