Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu ku amray wakiilkiisa inuu u raadiyo koox cusub, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal uusan haatan ku faraxsaneyn nolosha Manchester United .

Weeraryahanka ayaa ku soo laabtay Old Trafford xagaagii hore, waxaana uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 jeer 21 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Sport , Ronaldo ayaa weydiistay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu ka caawiyo sidii uu u heli lahaa koox cusub haddii ay dhacdo inuu ku qasbo inuu baxo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay macquul tahay inay xiiseyneyso saxiixa da’yarkii hore ee Sporting Lisbon, kaasoo qandaraas ku jooga Old Trafford ilaa June 2023.

Fursadaha Man United ee ku guuleysiga horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan ayaa soo dhamaatay laakiin waxay weli baacsanayaan koobabka FA Cup iyo Champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan