Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibtoonayso in ay iska dirto daafaceeda Clement Lenglet inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Isbuucyadii ugu dambeeyay xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa loo soo jeediyay inuu ka mid yahay ciyaartoyda ay Barcelona u aragto inay iska iibiso si ay sare ugu qaaddo xaaladeeda dhaqaale.

Iyadoo 26-sano jirku uu ku dhibtoonayay inuu ciyaaro waqti caadi ah intii uu hogaaminayay tababarihii hore ee Ronald Koeman , waxaa jiray malo ah inuu u furan yahay tartan cusub.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , Lenglet ayaa damacsan inuu sii joogo Camp Nou isagoo si weyn ugu lug lahaa tan iyo imaatinka tababaraha cusub ee Xavi .

Lenglet ayaa afar kulan ku soo bilowday iyo hal badel isagoo ka hoos ciyaaray halyeeyga Barcelona, ​​isagoo ku dhiirigeliyay inuu u dagaalamo booskiisa inta lagu jiro qeybta labaad ee ololaha.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan