Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester City Ferran Torres ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhawaanayo dhameystirka heshiiska uu ugu biirayo Barcelona .

Todobaadki hore ayaa la sheegay in labada kooxood ay ku heshiiyeen lacag dhan £55m, taasoo ay ku jirto lacagaha lagu daro, waxaana loo bixin doonaa qeyb qeyb.

Iyadoo Torres uu haatan ka soo kabanayo dhaawac ka soo gaaray metatarsal-ka, ayaa waxaa caafimaadka Isbaanishka lagu waday inuu dhaco subaxnimadii Isniinta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain , 21-sano jirkaan ayaa ku baasay dhammaan imtixaanadii la xiriiray si uu ugu wareego Camp Nou.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in heshiiska la soo gabagabeyn karo dhawaan, isagoo si rasmi ah u soo afjaraya Torres 18-ka bilood ee uu joogay Etihad Stadium.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa dhawaan sheegay inuusan wax dhibaato ah kala kulmin xiddiga garabka ka ciyaara ee ka tagaya kooxda Premier League wax ka yar bartamihii qandaraaskiisa muddada dheer.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan