Photo/Getty image

Da’yarkii hore ee Chelsea iyo Leicester City Faiq Bolkiah ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu qanisan kubbada cagta adduunka , laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Brunei ayaa ku dhibtoonayay inuu helo koox cusub ka dib markii uu ka tagay kooxda reer Portugal ee Maritimo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 23-jirka ah Bolkiah ayaa adeer u ah Sultan of Brunei, waxaana lagu soo waramayaa inuu qiimihiisu yahay balaayiin, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu xirfadiisa naadi ka helo waqti ka dib akadeemiyada kooxaha kala duwan ee Ingiriiska.

Waxa uu rajeynayaa inuu wax ka bilaabo kooxda cusub ee Chonburi, taasoo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee Thailand, waxaana maamulaha guud ee kooxda uu ku adkeystay in ku lug lahaanshihiisa lagu kasban doono tayada kubada cagta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Bolkiah ayaa ka tagay Maritimo ka dib markii uu ku guuldareystay inuu hal kulan ka soo muuqdo kooxda koowaad, waxaana uu rajeynayaa inuu nasiib wanaagsan u yeesho kooxdiisa cusub.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan