Kulanka Arsenal ee Premier League oo ay la ciyaarayaan Wolves 28-ka Diseembar ayaa dib loo dhigay.

Kooxda Mikel Arteta ayaa 5-0 kaga badisay Norwich City maalintii Boxing Day, halka Wolves aysan ciyaarin madaama kulankoodii Watford dib loo dhigay ka dib markii Covid uu ka dillaacay kooxda Hornets.

Arsenal ayaa lagu waday in ay Emirates Stadium ku soo dhaweyso Wolves kulanki hore ee Talaadada.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Laakiin Wolves ayaa heshiis la gaartay Premier League in dib loo dhigo kulanka sababo la xiriira dhaawacyo iyo kiisaska Covid oo isku jira kooxdooda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan