Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya weerar ay sheegtay in caawa lagu soo qaaday degmada Beledxaawo ee teedsan xuduudda labada dal ay wadaagaan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka aan ka heleyno Beledxaawo ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal culus kadib markii halkaas ay saqdii dhexe ay duullaan ku soo qaadeen Ciidamada Cabdirashiid Janan. Wararka ayaa sheegaya in xaafado ka mid ah Beledxaawo qabsadeen ciidankaas.

Eedeynta culus ee caawa ka timid dowladda federaalka iyo weerarka Cabdirashiid Janan ayaa kasii dari doonta xiisadda ka dhex-oogan labada dal, xilli ay toddobaadyadii dhowaa jireen wa-xoogaa isu soo dhowaasho ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Soomaaliya

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here