Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto ciyaaryahankan Inter Milan ee Lautaro Martinez .

Xilli xiddiga reer Argentine lagu xamanayo in lagu heli karo qiimihii saxda ahaa sanadkan iyo 2020, mid ka mid ah kooxaha xiiseynaya ma aysan buuxinin qiimeynta Inter ee ciyaaryahanka.

Martinez, oo 10 jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkan Serie A, ayaa tan iyo markaas qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku joogo San Siro, taasoo ka dhigeysa kooxda reer Talyaani meel aysan u baahnayn inay ka fikiraan wax dalab ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Fichajes , Blues ayaa laga yaabaa inay isku diyaariyaan inay dib u soo nooleeyaan xiisahooda 24 jirka inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Heshiis kasta ayaa u muuqda mid aan suurtogal ahayn ilaa ay Chelsea iska dirto ugu yaraan mid ka mid ah weeraryahanadeeda, iyadoo Timo Werner uu halis ugu jiro in loo ogolaado inuu ka tago Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, Inter uma badna inay tixgeliso dalab kasta oo ku aadan Martinez ilaa ay ka helaan dalab 97.5 milyan ginni ah oo ay Chelsea kaga soo iibsatay Romelu Lukaku horaantii sanadkan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan