Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in labada xidig ee Chelsea Callum Hudson-Odoi iyo Romelu Lukaku laga sameeyay baaritaanno isla markana kasoo kabsadeen Corona.

labada ciyaaryahan ayaa ka mid ahaa afar ciyaaryahan oo laga helay cudurka ‘coronavirus’ Khamiista la soo dhaafay, waxaa la filayay inay maqnaan doonaan 10 maalmood.

Si kastaba ha ahaatee, xeerarkii dawladda ayaa hadda isbeddelay, qof kasta oo iska qaada Tijaabada maalmaha lixaad iyo toddobaad wuxuu xor u yahay inuu joojiyo karantiilka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Tuchel ayaa daaha ka qaaday Xalay in Hudson-Odoi iyo Lukaku uu mid walba tijaabo iska qaaday taasoo u soo dhawaysay inay ku soo laabtaan tartanka Boxing Day ee ka dhici doona Aston Villa.

Timo Werner ayaa sidoo kale iska qaaday tikaabada Lakin wali waxa uu heestaa Corona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan