Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay bisha Janaayo lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni.

Isagoo todoba kulan u saftay France, 21 jirkaan ayaa la filayaa inuu helo dalabyo badan si uu uga tago Monaco suuqayada soo socda.

Tchouameni ayaa labo sano iyo bar uga harsan yahay qandaraaskiisa, naadigiisa Ligue 1 ayaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay ku iibiso ciyaaryahanka qiimo sax ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Eurosport , Chelsea ayaa diyaar u ah inay tijaabiso go’aanka Monaco bisha soo socota iyagoo qorsheynaya inay mustaqbalka ku badalaan xidigaha qaar ee kooxda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea ay rajeyneyso ugu yaraan mid ka mid ah Jorginho , Mateo Kovacic iyo N’Golo Kante – oo da’doodu tahay 30, 27 iyo 30 – inay ka tagaan Stamford Bridge 12-ka bilood ee soo socda.

Chelsea ayaa sidoo kale la sheegay inay diyaar u tahay Tchouameni inuu amaah ku sii joogo Monaco inta ka dhiman xilli ciyaareedka haddii ay awoodaan inay heshiis la gaaraan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan