Alexander Hassenstein/Getty Images

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski hadii ay ku fikiraan badalka Romelu Lukaku .

Lukaku, oo 28 jir ah, ayaa dhawaan dib u helay booskiisa koowaad, inkasta oo uu ku dhibtoonayay qaab ciyaareedka kooxda isagoo kaliya saddex jeer shabaqa soo taabtay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan, wuuna ku guuldareystay inuu sidaas sameeyo tan iyo wareysigii muranka dhaliyay ee Sky. Talyaaniga bishii hore.

Iyadoo mustaqbalka fog ee Xidiga Belgium uu hawada ku jiro, football.london ayaa sheegeysa in Chelsea laga yaabo inay u aragto saxiixa Lewandowski bedelkiisa xagaaga.

33-sano jirkaan ayaa lagu xamanayaa inay iibin karaan Bayern haddii uu weeraryahanku ku guuldareysto inuu heshiis cusub saxiixo.

Lewandowski ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu dhacayaa June 2023, inkastoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay u soo bandhigtay labo sano oo dheeri ah.

Ciyaaryahanka sanadka ee FIFA ugu fiican, kaasoo dhaliyay 34 gool 27 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxaha sida Manchester City iyo Real Madrid .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan