Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso u dhaqaaqista xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Edson Alvarez iyaga oo raadinayay daafacyo ay ku xoojiyaan.

24-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Mexico, kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe, ayaa ku sugnaa Amsterdam tan iyo xagaagii 2019, markaasoo uu kaga yimid Club America aduun dhan £13.5m.

Si kastaba ha ahaatee, Alvarez ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Premier League sida laga soo xigtay Football Insider , kuwaas oo ku waramaya in Chelsea ay ka fiirsaneyso inay dalab ka gudbiso inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

Thomas Tuchel ayaa dagaal ku wajihi doona saxiixiisa, iyadoo warbixinta lagu sheegay sida Leicester City iyo Crystal Palace ay sidoo kale u daawanayeen ninka Ajax intii lagu jiray ololahan.

Alvarez ayaa ilaa haatan saftay 17 kulan oo Eredivisie ah xilli ciyaareedkan isaga oo ka qayb qaatay 2 gool iyo hal caawin xilli Ajax ay doonayso in ay sii xajisato horyaalka Holland.

Chelsea ayaa dhawaanahan raadineysay daafacyo ay kusoo kordhiso, iyadoo daafacyo dhexe oo badan lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi karaan Janaayo ama xagaaga.

Andreas Christensen , Cesar Azpilicueta iyo Antonio Rudiger ayaa dhamaantood laga yaabaa inay ka tagaan kooxda bisha June sida ay wax u socdaan, iyadoo seddexda daafac qandaraaskooda uu dhamaanayo xagaaga, iyadoo aan wax horumar ah laga sameynin cusbooneysiintooda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan